aFGII e1654234768929 720x470 1 - Wardeeq news

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Maamulka Koofur Galbeed ayaa shaqo joojin ku sameysay Goddoomiyaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, Abuukar Maxamed Cumar, sida lagu baahiyay wareegto ka soo baxday.

Sababta shaqada looga joojiyay Guddoomiyaha ayaa waxaa lagu sheegay in uu ku kacay amar diido iyo ku takrifal awoodeed iyo iska hor keenid maamulka.

Waxaa maalmahan taagan khilaaf u dhaxeeya Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose iyo midka degmada Afgooye ee shaqada laga joojiyay, kaasi oo salka ku haya maamulka cusub ee loo magacaabay deegaanka Jazeera.

Hoos ka akhriso

 

Buurka - Wardeeq news
Verified by MonsterInsights