FB IMG 1654430142003 780x470 1 - Wardeeq news

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qaabilay Gudoomiyaha Maamulka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool oo Salaan iyo Isxog-waraysi ugu yimid madaxweynaha koofur galbeed.

Gudoomiye Maxamed Macalin Yuusuf ayaa Madaxweynaha Warbixin ka siiyey Xaalada Degmada Dhinacyada Amniga,Waxbarashada, Nolosha Bulshada,Samaynta Abaarta ay ku yeelatay Bulshada Degmada iyo Deeganada hoosyimada iyo Dadaalada Hortabinta uleh Dowladnimada ee socoda Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Gudoomiyaha uga Mahadceliyey Booqashada uu ugu imid iyo Sida uu ula wadaagay Warbixinta Xaalada Nololeed iyo Mida Hormarineed ee Degmada Waajid waxaana uu Xusay Madaxweynaha in Dowlad Goboleedka uu Hogaaminayo ay Xooga saari doonto wax ka qabashada Abaaraha,La dagaalanka Argigixisada iyo Baahinta Adeegyada Dowlada.

Verified by MonsterInsights