FB IMG 1654681297654 - Wardeeq news

Wafuud ka socota dalalka Afrika iyo dalalka kale ee dunida oo doonaya in ay ka qeybgalaan caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaaladda Mudisho ee caasimadda dalka.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa ka jira saxmad xooggan oo ku aadan soo dhaweynta Wafuuda , waxaana garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde lagu soo dhaweeyay  Xildhibaan Yuusuf Xasan oo katirsan Baarlamaanka Kenya, Madaxweyne ku xigeenka Koonfurta Sudan Riek Machar iyo Xubno kale.

Sidoo kale waxaa Maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray mas’uuliyiin ka kala socda Ururka Jaamacadda Carabta, dowladdaha Indonesia, India iyo Cumaan, kuwaas oo ka qeyb galaya Xafladda Caleemo saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Verified by MonsterInsights