09470000 0a00 0242 742e 08da4b969761 w650 r1 s - Wardeeq news
 Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shirka golaha wadatashiga qaranka ee dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dawlad-goboleedyada xubnaha ka ah. Shirkan oo ay ka qaybgelayaan ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, madaxda dawlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa socon doona muddo laba maalmood ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Ra'iisal wasaaraha iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug
Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug

Shirkan oo laba maalin socon doona ayaa ka furmay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana shir guddoominaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida laga soo xigta saraakiisha dowladda, shirka ayaa qodobada ay madaxdu diiradda ku saari doonto waxaa ka mid ah: wadashaqeynta madaxda federaalka iyo kuwo dowlad goboleedyada, amniga, dib-u-eegista dastuurka, dib u habeynta garsoorka dalka, federaalaynta iyo xaaladaha bani’aadanimo sida abaaraha ka taagan dalka.

Shirkan madaxda ka qeyb galeysa ayaa kala ah Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee uu gudoomiyo Madaxweynaha dhawaan la doortay Xassan Sheekh Maxamud, iyo kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo in muddo ah ay isugu yimaadaan madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Jubbaland, Hirshabeelle iyo Duqa Muqdisho
Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Jubbaland, Hirshabeelle iyo Duqa Muqdisho
Verified by MonsterInsights