FB IMG 1654976060435 774x470 1 - Wardeeq news

Ciidanka sida gaarka u Tobabarkan ee Kumaandooska Danab XDS Gaar ahaan Ururka 4-aad Guutada 16-aad Ciidanka kumaandooska Danab ayaa Hawlgal Qorshaysan ka sameeyey degaanka baleey oo qiyaastii u jirta 6 km caliyoow barow Ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Intii uu socday Hawlgalka ciidanka dowladda ayaa waxa ay shegeen in ay Usuurta gashay in ay gacanta ku dhigaan
Amiir Dagaalamayasha Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka miinooyinka deeganada caliyoow baaroow.

Saraakiisha hogaamineeysay howlgalkaan ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in sargaalka ay qabteen lagu magacaabo
macalin yaxye.

Ujeedka hawlgalka ayeey sidoo kale Saraakisha Ciidamada Dowladda ku shegeen mid Qorshaysan oo lagu baacsanyo kooxda Al-Shabaab.

Verified by MonsterInsights