FB IMG 1654941539294 720x470 1 - Wardeeq news

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sacaadihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ka waday latashayadii ugu dambeeyay ee lagu magacaabayo Ra’iisul Wasaare cusub.

Ilo wareedyo ayaa inoo xaqiijiyay in Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ku dhexmaray Madaxweyne Xassan Shiikh, madaxda maamul goboleedyada iyo Gudoomiyaha gobolka banaadir ay qeyb ka ahayd arimihii looga hadlay  Shaqsiga lagu dhawaaqi doono loona magacaabi doono Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Sida caadada ahayd, Madaxweyne waliba waxa uu haystaa 30 maalmood uu kusoo magacaabayo RW cusub sida Dastuuriga ah, inkastoo Madaxweynihii hore Maxamad Cabdullaahi Farmaajo uu mudo 50 maalmood ay ku qaadatay magacaabista Ra’iisul wasaare Rooble

Waxaa shaki lagalinayaa in Todobaadyadii lasoo dhaafay aysan jirin in laiska wareeystay cida laga dhigayo RW cusub balse hadda ay xoogeysatay wareysiyada shaqsiyaadka sharaxan iyo latashiyadda cida uu Madaxweyne Xasan Sheekh usoo xulanayo Cida qabaneeysa xilka RW cusub.

Ilo wareedyada waxa ay hadal hayaan hadii uu waqtiga kusii dheeraado madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu kafakari doono 3dii Ra’iisul wasaare ee xiligiisi soo maray Dowladiisa sanadihii 2012-2016.

Verified by MonsterInsights