FB IMG 1654941516279 720x470 1 - Wardeeq news

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa malintii labaad xarunta dalka looga arimiyo ee Villa Soomaaliya ka furay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka.

Shirkaan oo ay goobjoog ka yihiin madaxda maamul goboleedyada,  Guddoomiyaha gobolka banaadir iyo Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa waxaa ka filayaa in maanta looga hadlo qodobo ay kamid yihiin xal u helida arrimaha abaaraha, dhammeystirka dastuurka, iyo adkeeynta amniga guud ee dalka.

Waxaa kale oo ka filayaa in maanta shirka Gollaha Wadatashiga Qaran looga hadlo sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Dowladda dhex iyo maamul goboleedyada loogana fogaan lahaa khilaaf cusub oo curyaamiyo hanaanka dowladeed ee curdunka ah.

Shirkaan oo shalay Muqdisho ka furmay ayaa la filayaa in galinka danbe ee maanta muqdisho lagu soo gabageeyo, lakana soo saaro qodobadda looga hadlay shirka.

Verified by MonsterInsights