FB IMG 1655519586277 780x470 1 - Wardeeq news

Madaxa bangiga adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson iyo xubnihii la socday ayaa warbixin dheer ka siiyay ergeyga gaarka ee Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha Gurmadka abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame mashaariic farobadan oo Bangiga Aduunku ka wadaan Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in mashaariicdaan oo ahaa kaliya horumarin qaarkood loo qaabeeyay si wax uga tari karaan arrimaha abaaraha maadaama xaaladda Soomaaliya ee xiligaan ay ku jirto abaar aad u daran oo galaafatay Nolosha kumanaan qof iyo barakicintaa Dad badan.

Xubnaha Bangiga adduunku waxa ay si firfircooni leh uga hadlayeen howlaha kala duwan ee ay rabaan in ay Soomaaliya ka fuliyaan iyaga oo tilmaamay in ay quuddareynayaan dardargelinta fulinta mashaariicda hore loo oggolaaday.

Waxaa intaas ka dib laga dooday siyaalaha Bangiga adduunku u taageeri karo xafiiska iyo ka wada shaqeynta mashaariicda xilligaan loogu baahida badanyahay, iyada oo Bangigu gebogabodii ergeyga u ballan qaaday ka gacansiinta Arimaha gurmadka abaaraha, iyo sidii wax loogu qaban lahaa Dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Verified by MonsterInsights