FB IMG 1655517991257 780x470 1 - Wardeeq news

Deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa kamid ah Goobaha ay dhowr jeer ku jabeen Duulaan ay Dagaalamayasha Al-Shabaab ku qaadeen degaankaasi.

Baxdo ayaa ah magaalo ku taalla gobolka Galgaduud, dhinaca koonfur-bariayeey sidoo kale qiyaastii 90 km ka xigtaa degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, kaa oo ah deegaan yar, oo uu ka dhisanyahay maamul aan xooganeeyn.

Sidoo kale Dadka inta badan ka hortaga weerarda Al-Shabaab ayaa loo yaqaanaa Suufiyada gaar ahaan Axmadiyada, waxaana Saldhiggooda ugu weyn uu yahay masaajidka jaamaca oo ku taal bartamaha magaalada Baxdo, Halkaas ayeeyna joogaan oo ay kitaabbada ka raacdaan.

Waxaa u jooga mashaa’ikh ay mar walba ku xiran yihiin oo u ah hoggaamiyeyaal diimeedyo, Xertaas intooda badan waxa ay qoysas iyo ganacsiyo ku leeyihiin magaalada oo ay deggan yihiin, Sidoo kale dadka qaraabada la ah ama ay ehelka yihiin ee ku sugan deegaanka iyaga ayeey mabda’ ahaan taabacsan yihiin.

Sidoo kale wadaadada ayaa bulshada deegaanka Baxdo u ah indheer-garad. Sidaas daraaddeed, mar kasta oo la soo weeraro Baxdo iyaga ayaa ah ciidan oo ka hortaga duulaanka Dagaalamayasha Al-Shabaab.

Waxaa xusid mudan in Xertaan ay ciidamo abaabulan oo hub iyo ciidan iyo xeryo leh, aysan aheyn, Laakiin nin walba gurigiisa waxaa yaalla hub u gaar ah oo uu soo iibsaday, waxaana Dhowr jeer oo ay Al-Shabaab soo weerareen magaalada uu qof walba gurigiisa ka doontay hub si uu u bilaabo weerar-celin.

Verified by MonsterInsights