p0bjbgqz 780x470 1 - Wardeeq news

Xarunta maadxtooyada ee magaalada Hargeysa waxaa ka dhacay kulan ay iskugu yimideen Ergo is xilqaantay oo istaagtay xal u hellidda khilaafka siyaasadeed ee Hareeyay Soomaaliland iyo masuuliyiinta xisbiga talada haya oo ugu horeeyo madaxweynaha maamulkaas Muuse Biixi Cabdi.

Ergadan oo ka kooban 24 xubnood ayaa madaxweyne biixi la wadaagay talo soo jeedin ah in is faham lagu xaliyo xaaladda taagan.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ka caga jiiday talo soo jeedinta ergada uu la kulmay isaga oo u sheegay in xal ka gaaridda arrimaha taagan loo daayo golaha guurtida oo ah gole sharci ahaan Soomaaliland u qaabilsan go’aan ka gaaridda khilaafyada siyaasadeed.

Xisbiyada mucaaradka ee Soomaaliland ee kala ah: Ucid & Wadani ayaa ku eedeenaya madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in uu doonayo in uusan 13 bisha Nov. ee sanadkan qaban wax doorasho oo uu damacsan yahay muddo kororsi inkastoo xisbiga talada haya ay beeniyeen eedeyntaas.

Verified by MonsterInsights