madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi - Wardeeq news

Diyaarad Helicopter ah oo ay la socdeen kolonyo uu ka mid yahay Madaxweynaha Iran ayaa shil gashay, sida ay ku warramayso warbaahinta dowladda Iran.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda Helicobter-ka ah oo ka mid ahayd sedex diyaaradood oo kolonyo ay si xowli ah u degtay kadib markii ay dhibaato kala kulantay ceeryaamo xooggan oo ka jirtay waqooyiga dalkaas.

Ilaa hadda ma cadda in madaxweynaha Iran, Ebrahim Raisi uu saarnaa diyaaradda Helikobtar-ka ah oo ay warbaahinta dawladdu sheegtay in ay si degdeg ah u degtay.

Wakaalada wararka ee Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegtay in Madaxweyne Raisi ay la socdeen wasiirka arimaha dibada ee Iran Hossein Amir Abdollahian, gudoomiyaha gobolka bariga Azerbaijan ee Iran iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka arrimaha Gudaha ayaa sheegay in kooxaha samatabixintu ay weli isku dayayaan in ay gaaraan goobta, xaaladaha cimillada oo adag awgeed.

Raisi ayaa u safrayay gobolka bari ee Azerbaijan ee dalka Iran. Telefeshinka dowladda ayaa sheegay in shilkan uu ka dhacay meel u dhow magaalada Julfa oo ku taalla xadka dalka Azerbaijan, oo qiyaastii 600 KM dhanka waqooyi galbeed kaga beegan caasimadda Iran ee Tehran.

Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Waaxidi oo la hadlay telefishinka dowladda ayaa sheegay in masuuliyiinta ay ka war sugayaan faahfaahin dheeri ah.

Madaxweyne Raisi oo 63 jir ah, ayaa isku daygii labaad lagu doortay 2021-kii, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay waxa uu amray sharciyo adag oo anshaxa, wuxuuna si adag u riixay wadahadalladii Nukliyeerka ee quwadaha adduunka.

Verified by MonsterInsights