Maxkamad ku taalla dalka Brazil ayaa ku amartay madaxweynaha dalkaas Jair Bolsonaro inuu magdhow siiyo gabar weriye ah kaddib markii uu ka sheegay hadal aan habbooneyn. Mr Bolsonaro ayaa sanadkii la soo dhaafay sheegay in Gabadh wariye ah oo lagu magacaabo Patricia Campos Mello ay galmo usoo bandhigtay qof ay dooneysay inuu warbixin khaldan ka sheego madaxweynaha. Garsooraha ayaa sheegay in hadalka Mr Bolsonaro uu dhaawacay sumcadda weriyaha. Madaxweynaha ayaa lagu amray inuu magdhow ahaan gabadha u siiyo Lacag Ku dhaw ilaa 3,500 $.
Mr Bolsonaro, oo ah madaxweyne ka tirsan xisbiga garabka midig isla markaana xilka hayay tan iyo bishii January 2019, waxaa lagu yaqaannaa hadallo aan habbooneyn oo ka dhan ah weriyeyaasha cambaareeya maamulkiisa. Ms Campos Mello ayaa madaxweynaha ka gudbisay dacwad ka dhan ah hadalkii uu ka sheegay bishii February ee 2020.
Xaakimka maxkamada ayaa sheegay in hadalkaasi uu gef ku yahay sumcadda weriyaha, wuxuuna wiilka Mr Bolsonaro ku amray inuu gabadha magdhow ahaan u siiyo Lacag Dhan 3,500$
By:Jim’ale ismail