231012 ebrahim raisi se 1229p 8af3d7 - Wardeeq news

Dowladda, federaalka Soomaaliya ayaa dhambaal tacsi ah u dirtay dowladda Iran iyo shacabkeedaba kadib uun markii la xaqiijiyay geerida madaxweyne Ibraahim Raisi iyo masuuliyiin sare oo dalkaasi ah.

“Dowladda Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Iran geeridii ku timid Madaxweyne Ibraahim Raisi iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Xuseen Amir-Abdollahian iyo masuuliyiintii kale ee la socotay diyaarad Helicopter ah oo shil naxdin leh ku gashay gobol ka mid ah dalka Iran,” ayaa lagu yiri dhambaalka tacsida ee dowladda Soomaaliya u dirtay Iran.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la socday 3 kamid ah diyaaradaha Iran, waxaana la sheegay in cimillada oo xumaatay ay sababtay in diyaaradii gaarka aheyd ee siday madaxweyne Ibraahim Raisi iyo wasiirkii arrimaha dibadda Iran ay ku dhacday dhulka buuraleyda ah ee gobolka bariga dalkaas ku yaalla ee Azerbaijan.

Warbaahinta gudaha ee dalka Iran ayaa ku warameysa in ilaa toddoba qof ay gaareyso tirada masuuliyiinta iyo saraakiisha shilkaas kula geeriyootay Madaxweyne Ibraahim Raisi.

Telafishanka qaranka Iran ayaa isna soo daayay sawirro muujinaya burburka iyo gubashada diyaaradda, isaga oo ku warramay in diyaaradda hellikobterka aheyd ay ku dhacday cirifka ugu sarreysa ee mid kamid ah buuraha ay kusoo dul dhacday.

Wakaaladda wararka Iran ee IRNA ayaa sheegtay in Raisi uu la socday diyaarad nuuca qummaatiga u kacda ah oo lagu sameeyay Mareykanka, nooceeduna ahaa Bell 212 helicopter.

Raisi, oo ahaa 63 jir ayaa xilka madaxtinimada Iran loo doortay sannadki 2021-ki, isla markii la dhaariyay wuxuu adkeeyay qawaaniinta anshaxa isaga oo kor kala socday olole dadka looga reebayay munkarka, kaas oo sababay bannaanbaxyo looga soo horjeestay dowladda.

Verified by MonsterInsights