images - Wardeeq news
Somaliland oo shaacisay qaabka ay u dhaqan gelineyso heshiiskii badda ee Itoobiya
Somaliland ayaa mar kale maanta ku celisay in dhawaan uu fuli doono heshiiskii dhex-maray iyaga iyo Itoobiya, kaas oo qeybo ka mid ah badda Soomaaliya uu ku saxiixay Muuse Biixi.

Wasiirka warfaafinta Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo u waramay BBC ayaa sheegay in markii ugu horraysay safaarad buuxda ay Itoobiya u dalacsiisiisay xafiiskeedii magaalada Hageysa.

Wasiirka ayaa la weydiiyey waxa ay ka yeelayaan go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya oo dalbatay in la xiro xafiiska ay safaaradda Itoobiya ka furatay magaalada Hargeysa.

Wasiir Cali Mareexaan ayaa ku jawaabay, “Xafiiskaan waxaa la furay iyadoo Soomaaliya aysan dowlad ka jirin, xittaa mid ku meel gaar ah, in maanta ay dhahaan meel aysan ka talin safaarad ku taalla hala xiro, adinkuba waa ogtihiin in aysan macquul aheyn.”

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay kula talinayaan in si walaalnimo iyo saaxiibtinimo leh ay u dhaqanto, isla markaana ay joojiso gardarada iyo waxyaabaha aysan awooda u laheyn oo ay faragashaneyso.

“Heshiiskii aan Itoobiya la galnay wuxuu marayaa heer gabagabo ah, madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa maalin dhoweed sheegay in la dhaqan gelinayo, maalmaha soo socda ayaad arki doontaan talaabooyin lagu dhaqan gelinayo heshiiskaas,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Somaliland.

Verified by MonsterInsights