dil 1 - Wardeeq news

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dilka xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Koonfur Galbeed oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan.

Marxuumka ayaa waxaa toogasho ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, isaga oo ku sugnaa xaafadda Seybiyaano ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale kooxda dishay xildhibaanka oo mar qura rasaas ooda uga qaaday ayaa goobta isaga baxsatay, mana jiro tallaabo ay qaadeen ciidanka amniga, kadib dhacdadaasi.

Dhinaca kale madaxweynaha Koonfur Galbeed oo war kasii saaray geerida marxuumka ayaa xaqiijiyay in uu xildhibaanka ku baxay gacanta Al-Shabaab, wuxuuna ka tacsiyeeyay geeridiisa.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka Tacsiyadeeyey Geerida Xildhibaan Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan oo ka Tirsana Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo Caawa Cadowga Khawaarijta Alshabaab ay ku dileen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xildhibaanka uu door muuqdo kasoo qaatay nabadda iyo dowlad dhiska Soomaaliya, isla markaana la dilay isaga oo u adeegayay bulshadiisa.

Inalilaahi wainna ileeyhi raajicuun. Alle ha u naxariistee Xildhibaan Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan waxa uu door weyn kasoo qaatay nabadda, dib u dhiska Dowladnimada iyo Dib u heshiisinta Bulshada’ ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaan Alle u weydiinayaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday”.

Dilkan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya gudaha caasimada, waxaaba barbar socdo dadaal ay waddo dowladda, si looga hortago dhibaatooyinkaasi.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Alle uweydiiyey Xildhibaanka in Hoygiisa uu ka yeelo Janatul Firdowsa Ehelka, Qarabada iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeedna uu Samir iyo Iiman uu Alle ka siiyo

Verified by MonsterInsights