images 1 - Wardeeq news

Booliska Soomaaliya ayaa goordhaweyd gacanta kusoo dhigay Cadaawe Cabdi Cali (Cadaawe Jiib) oo dhawaan warbaahinta ka hanjabay.

Ninkan oo ah askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa waxaa soo xiray ciidanka booliska gobolka Banaadir, gaar ahaan kan saldhigga booliska ee degmada Deyniile, waxa uuna kal hore kasoo muuqday warbaahinta isaga oo ku goodinaya dagaal iyo in uusan aqbaleyn amar burburin dhul oo ka fulay gudaha caasimada.

“Eedeysanaha oo ah askari katirsan ciidamada qalabka sida ayaa ku eedeysan is hor istaag amar Maxkammadeed iyo ku lug lahaasho kicin bulsho, wxaana la horgeyn doonaa Maxkamadda Ciidamada ee ku shaqada leh howlahaan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliya oo baahiyay xariga ninkaan.

Laba maalin kahor ayay aheyd markii uu booliska soo xiray Mascuud Cabdullaahi Afrax (Garweyne) oo ahaa nin oday ah, islamarkaana marar badan kasoo muuqday warbaahinta.

Booliska ayaa ninkaas ku eedeeyay inuu u gefay garsoorka dalka, islamarkaana uu waxba kama jiraan ku tilmaamay xukunno ay rideen maxkamadaha dalka. Wuxuuna booliska sheegay in la horgeyn doono maxkamadda, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

Isla maalin kasii hor booliska ayaa soo xiray illaa 15 qof oo ka qayb qaatay dibad-bax rabshada watay oo ka dhacay Daaru-Salaam, kaasi oo looga soo horjeeday awood qaybsiga maamulka degmadaasi.

Verified by MonsterInsights