444753468 1010276247125279 7941187947044677295 n - Wardeeq news

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabiley ku-xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna isu-duwaha gargaarka bini’aadantinimada Mr. Gorge Conway.

Masuuliyiintan ka socotay QM ayaa sidoo kale waxaa wehlinaya madaxda ugu sareeya toban hay’addood oo Qaramada Midoobay ka tirsan.

Kulankan oo lagaga wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa horumarinta kaalmada ay hay’adaha QM ka taageeraan Somaliland iyo dardar-gelinta iskaashiga wada shaqayneed, gaar ahaan dhanka arrimaha bini’aadantinimada ee sannadkan qorshaysan, si waafaqsan shuruucda dalka Somaliland iyo ta caalamiga ahba.

Kulankan ayaa waxa uu qeyb ka yahay la-macaamilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ay la leedahay Somaliland iyo hay’addaheeda kala duwan. Waxa uuna kusoo aadayaa xilli laga deyrinayo xaaladda nololeed ee deegaanada qaar.

Kulankaan ayaa waxaa Muuse Biixi ku wehlinayay wasiirrada wasaaraddaha shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska, qorshaynta iyo horumarinta, gudoomiyaha hay’ada qaxootiga iyo barakacayaasha, gudoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Somaliland iyo agaasimaha good ee wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah.

441501248 1010276110458626 1747758216816623542 n - Wardeeq news

444480915 1010276067125297 5977519047227488872 n - Wardeeq news

441458597 1010276103791960 5885361965442401238 n - Wardeeq news

441485302 1010276080458629 2291682535464152042 n - Wardeeq news

441497369 1010276077125296 8702115156112972034 n - Wardeeq news

441571098 1010276210458616 3062423712927846941 n - Wardeeq news

444485878 1010276127125291 7272254140029835676 n - Wardeeq news

444753468 1010276247125279 7941187947044677295 n - Wardeeq news

Verified by MonsterInsights