445740656 472808755405811 8707290690792206423 n - Wardeeq news

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Nairobi ayaa kaga qeyb-galay shirka sanadeedka Madaxweynayaasha Afrika iyo madaxda Bangiga Horumarinta Afrika, kaas oo sanadkan ay martigelisay dowladda Kenya.

Shirka oo diiradda lagu saaray dib u habeynta qaab-dhismeedka maaliyadeed ee Afrika iyo isbadalka cimilada ayaa waxaa kasoo qeyb-galay qaar ka mid ah madaxweynayaasha Afrika, kuwaas oo goobta ku soo bandhigay horumarka iyo caqabadaha ka jiro dalalkooda, si gaar ah wada shaqeynta Bangigaga Horumarinta Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shirkan ka hadlay ayaa madaxda Bangiga Horumarinta Afrika uga mahadceliyey wada shaqeynta iyo taageerada maaliyadeed ee Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xariiqay laba arrin oo Soomaaliya ay kuu guuleysaneyso oo ah inay sameyneyso horumar iyo kobac dhaqaale, taas oo ku timid hufnaanta hanaanka maaliyadeed ee dalka.

Dhinaca kale, madaxda bangiga horumarinta Afrika waxa ay xaqiijiyeen taageerada iyo wada-shaqeynta dowladda federalka ah, maadaama uu shirkan muhiim u yahay.

Intaas kadib madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gunaanadka shirkan ka dib kulan doceedyo la yeeshay qaar ka mid ah madaxweynayaasha Afrika isaga oo kala hadlay iskaashiga iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed.

Shirkan waxaa barbar socday mid kale oo ay yeesheen Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika (Horn of Africa initiative), kaas oo uu ka qayb-galay wasiirka maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige, waxaana looga hadlay saddex qodob oo kala ah:-

Dib-u-eegista iyo qiimaynta mashaariicda socda laga soo bilaabo 2019, oo aay maalgelinayaan dhammaan deeq bixiyayaasha, iyada oo la muujinayo ka tarjumaysa daah furnaanta Madashaan.
  1. Sidoo kale waxaa laga dooday nidaamka wada shaqaynta xududuudaha iyadoo warbixin laga dhagaystay quburo loo xilsaaray arkiis, maadaama hore loo ansixiyay nidaamka wada shaqeynya Xuduudaha sanadii tagtay ee 2023-kii.
  2. ⁠Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika, sanadkaan waxaa ku soo biiray deeq bixiyeyaal cusub oo maalgalin doona hadafka horumarineed ee wadamada dhaca Bariga Afrika.

445169582 472808752072478 4695872841679631520 n - Wardeeq news

445202993 472808748739145 7695284612963221266 n - Wardeeq news

445740656 472808755405811 8707290690792206423 n - Wardeeq news

Verified by MonsterInsights