01000000 c0a8 0242 0de1 08dbddd7bd9e w408 r1 s - Wardeeq news

Ugu yaaan saddex qof oo uu ku jiro sarkaal bookis ah ayaa lagu dilay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, halka dhowr qof oo kalena ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacay bartamaha magaalada, sida ay sheegeen maamulka magaaladaasi.

Katie Blackwell oo ah kaaliyaha taliyaha booliiska Minneapolis ayaa sheegtay in sarkaalka la toogtay magaciisa la yiraahdo Jamal Mitchell, oo ahaa sarkaal ku jiray sannadkiisii labaad ee shaqada.

Wargeyska Star Tribune ee kasoo baxa Minneapolis ayaa qoray in askari boolis ah ee la dilay uu ahaa 28 jir, halka sarkaal kalena ay xaaladdiisu aad u liidato kadib markii ay rasaas isweydaarsadeen eedaysanaha.

Wargeyska ayaa intaas ku daray in afar qof oo kale ay ku dhaawacmeen rasaas ka dhacday agagaarka guri dabaq ah oo ku yaalla xaafadda Whittier.

Wargeysku waxa uu sheegay in dhacdadan ay noqotay askarigii ugu horreeyay ee ka tirsan booliiska Minneapolis oo toogasho lagu dilo isaga oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo in ka badan 20 sano.

Mas’uuliyiinta magaalada Minneapolis ayaa sheegay in weli baaritaan lagu hayo sababta ka dambeysay weerarkan.

Reuters

Verified by MonsterInsights