Waddooyin dhagxaan lagu xiray Muqdisho - Wardeeq news

Waxaa maanta dib loo furay waddooyin ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaas oo xirnaa muddo ka badan 16 sanno.

Maamulka degmada Dharkenley oo howlgal culus qaaday ayaa ku guuleystay inay furaan waddooyin ku yaalla degmadaas oo ay shaqsiyaad gaar ah ay guryo ka dhisteen.

Guddoomiye Yuusuf Xundubey oo howlgalkan horkacaya ayaa sheegay in dhammaan waddooyinka xiran ee degmada Dharkenley ay furi doonaan, si loo isticmaalo.

“Waxaan kasoo shaqeynay oo aan ka rarnay dad deganaa jidadka oo guryo ka dhistay, haddana waxaa noo dhiman waddooyin kale oo aan ka shaqeyn doono” ayuu yiri Xundubey.

Sidoo kale wuxuu guddoomiyuhu sii raaciyay “Qorshaheena waxaa waayay inaan furno dhammaan waddo kasta oo uu roob xiray iyo waddo kasta oo uu xiray Cali Garoob iyo ciddii sharcu darro ku degtaba inaan baneyn dhahno”.

Dhinaca kale shacabka ku dhaqan degmada Dharkenley ayaa soo dhaweeyay tallaabadan uu qaaday maamulka degmada ee lagu furay waddooyinka muhiimka ah ee degmadaasi.

Verified by MonsterInsights