447859043 814713814091100 5602937237034798614 n - Wardeeq news

Wardeeq news.:, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo ka qayb-galay shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika ayaa ka jeediyay khudbad xasaasi ah oo uu kaga hadlay ahmiyadda ay leedahay in Jamhuuriyadda Kuuriya iyo dalalka Afrika ay iska kaashadaan dhinacyada ganacsiga, farsamada iyo tiknoolajiyada.

Xamza ayaa sheegay in Afrika ay horumar wanaagsan ka sameyneyso isbeddalka dhaqaalaha iyo horumarka bulshada, isla markaana Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika uu abuurayo fursado maalgashi iyo iskaashi dhinaca ganacsiga.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay xaaladda Soomaaliya iyo fursadaha ay haysato, isaga oo tilmaamay in ay dhacdo goob istiraatiiji ah oo isku xireysa Afrika iyo Asia, isaga oo  sheegay in Alle uu ugu deeqay kheyraad dabiici ah.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay in dowladda Soomaaliyeed ay guulo waa weyn ka gaartay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo horumarinta nidaamka dhaqaalaha iyo weliba sharciyada ee dalka, ee fududeyneya maalgashiga caalamiga ah.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa hoosta ka xariiqay in uu rajeynayo in waaya-aragnimada Kuuriya ee dhinacyada farsamada, tiknoolajiyadda iyo caafimaadka ay door wanaagsan ka ciyaari karaan waaga cusub ee iskaashi ee u billowday Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya.

Shirkan waa kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay ka qayb-galayaan madaxda Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya, kaas oo looga wada-hadlayo iskaashiga labada dhinac.

Soomaaliya ayaa bilihii u dambeeyay wadday dadaallo xoogan oo kula macaamilo dalalka caalamka, maadaama laga cafiyay daynta, sidoo kalena laga qaaday cunaqabateynta hubka ee muddada dheer saarnayd.

447773657 814713864091095 7276810317504788102 n - Wardeeq news447774279 814713684091113 4608938396242219315 n - Wardeeq news
447775811 814713910757757 2140332573678100147 n - Wardeeq news
Verified by MonsterInsights