images 1 - Wardeeq news

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa xukuumadda Muuse Biixi uga digay fara-gelin sharci darro ah oo ay ku hayaan shaqooyinka Komishanka doorashooyinka Somaliland.

Digniintan oo sidoo kale si toos ah ugu socotay xisbiga tallada haya ee Kulmiye ayaa waxaa masuuliyiinta xukuumadda iyo siyaasiyiinta xisbiga looga digay inay arrimaha doorashooyinka uga hadlaan si siyaasadaysan.

Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Muuse Xasan Yuusuf oo ay hareero fadhiyaan xubnaha kale ee guddiga ayaa digniinta u diray xukuumadda Muuse Biixi, wuxuuna yiri “Komishanka waxa uu digniin u dirayaa xukuumada iyo xisbiga Kulmiye oo caadaystay in ay uga hadlaan arrimaha doorashooyinka si siyaasadaysan oo baal-marsan qawaaniinta iyo shuruucda doorashooyinka.”

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumadda Muuse Biixi ay xad-gudub u geysatay howlaha iyo masuuliyadda komishanka doorashooyinka Somalilnad, “Wax ay shaqo ku laheyn ayay ka dhigteen wax ay ku ololeeyaan,” ayuu yiri Guddoomiye Muuse Xasan Yuusuf.

Guddiga ayaa waxa kale oo uu si cad ugu digay wasiiro ka tirsan xukuumadda, “Waxa aanu si gaar ah digniin ugu direyna wasiirrada iyo madaxda xisbiga Kulmiye oo maalmihii dambe olole siyaasadeed ka dhigtay howlaha komishanka qaranka uu gacanta ku hayo.”

Sidoo kale waxa uu dhamaan daneeyayaasha dooraahooyinka faray inay u hoggaansamaan shuruucda doorashooyinka, isaga oo ku goodiyay in ay talaabo sharci ka qaadi doonaan cid kasta oo ku xad-gudubta madax-banaanida komishanka.

“Maadaama la galay waqti doorasho oo xasaasi ah waxaanu dhamaan daneeyayaasha doorashooyinka ku wargelinayna in loo hoggaansamo shuruucda doorashooyinka, lana dhowro madax-banaanida komishanka doorashooyinka.”

“Cid kasta oo ku kacda arrimo baal-marsan xeerarka doorashooyinka waxa uu komishanka ka qaadi doona tallaabo sharci oo ku haboon,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka.

Si kastaba, digniinta kasoo baxday guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa imaneysa xilli mucaaradka uu xukuumadda ku eedeeyay inay rabto in ay keento qalab casri ah oo doorashada lagu galayo, taasi oo ku ololeeyay xisbiga Kulmiye xilli billo kooban ka harsan yihiin doorashooyinka.
Verified by MonsterInsights