Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta kooxda Al-Shabaab ka xoreeyey deegaanka Buulo-Xaaji oo 90KM dhanka galbeed kaga began magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada geesiyaasha xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Jubbaland guusha ay ka gaareen dagaalka kooxda Al-Shabaab looga sifeynayo deegaannada Jubbaland.
Sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaruhu hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay gacanna kula dirirayso Khawaarijta gacanna ay ku daryeelayso shacabkeeda.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ugu dambeyntiina wuxuu ballan-qaaday in sida ugu dhaqsaha badan goobaha la xoreeyey la gaarsiin doono adeegyadii aas-aasiga ahaa sida waxbarasho, caafimaad iyo nabadgalyo, si la mid ah deegaanadii kale ee laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.