Markab quusaya - Wardeeq news

Markabka dhuxusha qaada ee Tutor ayaa qarka u saaran inuu ku diido Badda Cas, ka dib weerarkii ay Arbacadii u gaysteen Xooggaa Xuuthiyiinta Yemen.

Xoogaga Xuuthiiinta ayaa weerarka u adeegsaday gantaalaha ballaastikada, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee is qarxiya iyo weliba doon lagu soo raray walxaha qarxa, sida uu sheegay  Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta ayaa sababta ay u weerareen markabkan oo laga leeyahay dalka Giriiga ku sheegay in uu si qarsoodi ah ugu wajahnaa Dekedaha Israel, isla-markaana uu ku xadgudbay go’doominta ay ku soo rogeyn dekedahaasi.

Burbur xoog leh oo soo gaaray qaybta motoorka ayaa markabka ka dhigtay mid awoodi waaya in safarkiisa uu sii wato. Weerarka ayaa sidoo kale sababay in biyo badan ay soo galaan markabka.

Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain (UKMTO) ayaa Jimcihii sheegtay in shaqaalihii la socday laga daadgureeyay markabkaasi.

Mid ka mid ah badmaaxiinta ayaa lagu waayay weerarka, balse masuuliyiinta ayaa sheegaya in la sii wadi doono dadaalada lagu baadigoobayo.

Dhammaan 22-ka shaqaale ee la socday markabka ayaa u dhashay dalka Filibiin, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Shaqaalaha ee dalkaasi, Hans Leo Cacdac.

Markabkan oo lagu weeraray meel u dhow Dekedda Hudaydah ayaa looga tagey Badda Cas, halkaas oo hadda uu dul sabeynayo.

Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa wacad ku maray in ay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah maraakiibta laga leeyahay Mareykanka, Ingiriiska, Israel iyo kuwa kale ee la macaamila Israel, isla-markaana taga dekedaheeda, iyadoo aan loo eegeyn dalka laga leeyahay.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen, Abdul-Malik Al-Houthi ayaa isbahaysiga uu Mareykanka hoggaamiyo ugu yeeray in ay soo afjaraan duulaanka Israel ee Marinka Gaza, haddii ay doonayaan in ay joojiyaan weerarada ay ku hayaan maraakiibta ganacsiga caalamiga ah.

Hoggaamiyaha ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan weeraradooda maraakiibta iyo go’doominta ay ku hayaan dekedaha uu sheegay in Israel ay ka xoogtay Falastiiniyiinta, illaa iyo inta Israel ay gumaadka ka gaysaneyso Marinka Gaza, gargaarkana ay u diidan tahay dadka reer Gaza.

Abdul-Malik Al-Houthi ayaa sheegay in weeraradooda maraakiibta ay ku garab taagan yihiin shacabka Falastiiniyiinta.

Verified by MonsterInsights