Suudaan - Wardeeq news

Mareykanka ayaa Jimcihii ku dhawaaqay lacag dhan 315 milyan oo dollar oo gargaar ah oo loogu talagalay in wax lagaga qabto xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta dalka Suudaan.

14 bilood oo dagaalo culus ay ka socdeen dalkaasi ayaa sababay masiibo bani’aadantinimo, iyadoona 25 milyan oo qof ay u baahan yihiin gurmad bani’aadantinimo.

Dagaalka sanadkii 2aad ka soconayo dalkaasi ayaa u dhaxeeya Ciidamada Militariga Suudaan ee uu hoggaamiyo General Abdel Fattah Al-Burhan iyo Xoogaga Gurmadka Degdegga (RSF) oo ka amar qaata General Mohamed Hamdan Dagalo, waxayna ku dagaalamayaan awoodda dalkaasi.

Samantha Power, Madaxa Hay’adda Mareykanka U Qaabilsan Horumarinta Caalamiga ee USAID oo Warbaahinta la hadashay ayaa shaacisay kaalmada cusub ee maaliyadeed ee wax lagaga qabanayo xaaladda bani’aadantinimo ee dalkaasi.

Samantha Power ayaa sheegtay in Suudaan ay ka jirto dhibaatada ugu weyn ee bani’aadantinimo, marka ay noqoto caalamka oo dhan.

Qaramada Midoobey ayaa ka digtay in shan milyan oo dadka reer Suudaan ah ay qarka u saaran yihiin macluul.

“Arrinta ugu welwelka badan waxay noqon doontaa in Suudaan ay ka dhacdo macluushii ugu dhimashada badneyd, tan iyo tii Itoobiya ka dhacday, horraantii 1980 meeyadii.” Ayay tiri Samantha Power.

Itoobiya ayaa intii u dhaxeysay 1983-1985-kii wajahday macluushii ugu xumeyd ee dalkaasi soo marto muddo qarni ah. 1.2 milyan oo qof ayaa muddo laba sano ah macluul ugu dhintay dalkaasi. 2.5 milyan oo qof ayaa ku barakacay dalka gudihiisa, halka 400,000 oo kun ay qaxooti ku noqdeen dalka dibaddiisa.

Samantha Power ayaa Ciidamada Suudaan iyo Xoogaga RSF ku eedeysay in ay carqaladeynayeen gargaarka la doonayo in la gaarsiiyo dadka u baahan.

Waxay xoojisay baaqa ay Saraakiisha Qaramada Midoobey ku dalbanayaan in la fasaxo gargaarka aadka loogu baahan yahay.

Khamiistii, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ansixiyay qaraar lagu dalbanayo in Xoogaga RSF ay soo afjaraan go’doominta ay ku hayaan Magaalada El Fasher ee Gobolka Darfur, ayna joojiyaan dagaalka aaggaasi.

Qaraarka ayaa looga dalbaday Xoogaga RSF iyo Ciidamada Militariga inay ilaaliyaan dadka rayidka ah, isla-markaana ay u ogolaadaan rayidka doonaya inay isaga baxaan magaaladaasi.

Boqolaal kun oo shacab ah ayaa ku xayiran Magaalada El Fasher, iyadoo dadkuna ay ka baqdin qabaan in la dilo, haddii ay isku dayaan in ay colaadda ka baxsadaan. El Fasher waa magaaladii ugu dambeysay Gobolka Darfur ee ka maqan gacanta RSF.

Golaha Ammaanka ayaa dhinacyada ugu yeeray inay soo afjaraan dagaalka, taasoo horseedi karta in xal waara laga gaaro khilaafka, iyadoo loo marayo wada hadal.

Dagaalkan ayaa 15-kii bishii April ee sanadkii 2023 si lama filaan ah uga qarxay Caasimadda Khartoum, waxaana uu si degdeg ah ugu fiday dalka intiisa kale.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad shan iyo toban kun oo qof, halka tobanaan kun oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Colaaddan ayaa sababtay barakaca ku dhawaad toban milyan oo qof, oo si khasab ah looga barakaciyay guryahooda, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

Dadka reer Suudaan ayaa ka walaacsan in dagaalku uu daba dheeraado, si aysan ugu noolaanin xaalad silic iyo dib-u-dhac aan si dhakhs ah looga soo kaban karin.

Verified by MonsterInsights