Ankara1 - Wardeeq news

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga Turkiga ayaa shaley Salaadda Ciidda Carafo ku oogay Masaajidka Qaranka Bestepe (Bestepe Millet Camii) ee Magaalada Ankara.

Madaxweynaha Somaliya iyo Madaxweyne Kuxigeenka Turkiga, Cevdet Yılmaz ayaa shacab fara-badan Salaadda Ciidda kula tukaday Masjidkan oo ku dhex yaala Xarunta Madaxtooyada Turkiga.

Masjidkan oo sidoo kale loo yaqaano (Masaajidka Dadka) ayaa wata magaca xaafadda ay Madaxtooyada ku taalo ee Bestepe. Masjidka ayaa ah mid taariikhi ah, maadaama uu noqonayo kiisii ugu horreyay ee shacabku ku tukan karaan salaadaha, kuna dhex yaala Madaxtooyada Qaranka ee dalkaasi.

Masjidkan ayaa la furay 3-dii bishii July ee sanadkii 2015, waana tallaabadii ugu dambeysay ee Dowladda Turkiga ku ballaarineysay, si qof kasta uu galaangal ugu jeesho in uu tagi karo Qasriga Madaxtooyada.

Masjidka ayaa waxaa uu soo jiitay ummadda Muslimiinta ee ku nool dalkaasi iyo weliba dalxiiseyaasha.

Masjidku waxa uu leeyahay afar minaaradood, waxaana uu ka kooban saddex dabaq, waana mid ka mid ah masaajidda ugu waaweyn ee Caasimadda Ankara, iyadoona dabaqa dhexe uu gaar u yahay dumarka cibaadeysanaya.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya ayaa muuqaal uu soo duubay oo xalay lagu baahiyay barta Villa Somalia ugu hambalyeeyay ummadda Soomaaliyeed iyo Muslimiinta caalamkaba maalmaha barakaysan ee Ciidul Adxa.

Madaxweynaha ayaa shacabka ku booriyay in qofba qofka kale uu cafiyo, ayna is gargaaraan, isla-markaana ay ka warqabaan dadka kale ee walaalahooda ah ay gacmahoodu maran yihiin.

“Walaalayaal aan is kaalmayno, dhulka haddaan isugu naxariisano ayuu Ilaahay-na cirka nooga soo naxariisanayaa. Aan isu naxariisano, aan is kaalmaysano.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dhanka kale Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa dhallinyarada u dagaalameysa Al Shabaab ugu baaqay inay dalkooda iyo dadkoodaba dib ugu soo laabtaan, isla-markaana ay ka waan-toobaan dhiigga ay daadinayaan.

“Dad kale ma qabtaan, dal kalena ma qabtaan, kuwo dalalkooda dembiileyaal ka ah oo joogi waayay oo ka soo cararay, sabab ay dadkiina ku laayaan, dalkiina iyo dowladnimadiinana ay ku baabi’iyaan sabab ha u noqonina.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa yiri “Gabalka Khawaarijta wuu sii dhacayaa, mustaqbal ma jiro xagaa. Dadkiina xagiisa ayuu mustaqbal soo jiraa ayaan leenahay.”

Ankara - Wardeeq newsAnkara1 - Wardeeq newsAnkara2 - Wardeeq newsAnkara3 - Wardeeq newsAnkara4 - Wardeeq newsAnkara5 - Wardeeq newsAnkara6 - Wardeeq news

Verified by MonsterInsights