Axmed Madoobe - Wardeeq news

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa bulshada reer Jubbaland ugu baaqay in ay ka qayb qaataan hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa shacabka ugu yeeray inay diin ahaan iyo qaab qabiil ahaanba uga qayb qaataan dagaalka lagu la jiro maleeshiyada Al Shabaab.

“Odayaasha, dhallinyarada, waxgaradka, hooyooyinka iyo dhammaan dadka intiisa kale, kuligood waxaan ugu baaqayaa howshaa aan wada galno. War diin ahaan aan ula dagaalano oo innagoo qabiil Soomaaliyeed ah aan qabiil ahaan ula dagaalano, markaas ayay ummaddeenuna guul gaareysaa, annaguna waxa aan doonayno aanu gaaraynaa.” Ayuu yiri Madaxweynuhu oo Salaaddii Ciidda ee shalay ka hadlayay Xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay inta Shabaabku ay kala qaybin ka dhex wadaan bulshada dhexdeeda aan guul laga gaari karin dagaalka lagu la jiro.

“Inta ay ku jiraan falsadii shalay aan gumeysiga ka maqleynay ee qaybi oo xukun ah ee dhabarka la iska wada taabanayo ee oday walba intuu humbaaleeyo u tagayo, lacagtana u uruurinayo, ma gaarayno waxa aan doonayno.” Ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa xusay in kan u dagaalamaya Al Shabaab, ganacsadaha dhaqaalaha siinaya iyo odayga lacagaha u soo uruurinaya ay yihiin kuwo aan waxba ku kala duwaneyn.

“Kan qoriga ridaya, kan ganacsadaha ah ee shilinka bixinaya iyo kan odayga ah ee qaaraanka uruuriya waa isku mid, wax farqi ah ma kala lahan.” Ayuu yiri Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa xusuusiyay kuwa dhaqaalaha ku taageera Al Shabaab in wixii ay bixinayeen loo adeegsado dilka dad fara-badan oo wax ay galabsadeen aanay jirin.

“Waxa aad bixineysaan ayaa dhibaato gaysaneysa. Intaas oo dad ah oo Muslimiin ah oo aan waxba gaysan ayay dhibaato u gaysaneysaa. Howshaa aan dib uga fekerno.” Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe oo sii hadlayay ayaa reer Jubbaland kula dardaarmay inaysan u kala harin dagaalka dadka looga dulqaadayo Shabaabka hubeysan.

“Ha laga qayb qaato dagaalka Shabaabka lagu la jiro. Ma heleysaan maanta inaad iska raaxeysataan oo aad iska noolaataan. Waa dhibaato idin saameynaysa, qof walbana gurigiisa ugu tageysa.” Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Baaqa Axmed Madoobe ayaa imanaya, xilli Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ay Gobolka Jubbada Hoose ka wadaan hawlgal ka dhan ah Al Shabaab.

Verified by MonsterInsights