Daniel Hagari - Wardeeq news

Israel ayaa ka digtay in xiisadda sii kordheysa ee kala dhaxeysa Ururka Xisbullah ee ka arrimiya koonfurta dalka Lubnaan ay Bariga Dhexe u horseedi karto cawaaqib aan la mahdin doonin.

Tan iyo 8-dii bishii October, Xoogaga Xisbullah iyo Ciidamada Israel ayaa gantaalo isku weydaarsanayay deegaanada xuduudda ee labada dhinac.

Duqaymaha ay is weydaarsanayaan ayaa aad u kordhay, tan iyo daba-yaaqadii bishii hore ee May, iyadoona dunida ay walaac ka muujineyso in dagaalka Marinka Gaza uu ku baaho gobolka.

Xiisadda Israel iyo Xisbullah ayaa dhowrkii cisho ee ugu dambeysay gaartay meeshii ugu sarreysay, ka dib markii Israel ay duqayn ku dishay taliye sare oo Xisbullah ka tirsanaa, taas oo keentay in Xisbullah ay kaga falceliso gantaalihii ugu badnaa ee ay si maalin leh uga gaysato waqooyiga Israel. Dhinacyadu waxay qarka u saaran yihiin dagaal buuxa, inkastoo midba midka kale uu sheegayo inaanu dooneyn dagaal toos ah. Colaadda xuduudda ayaa waxaa ku barakacay dad fara-badan oo shacabka labada dal ah.

Afhayeenka Ciidamada Israel, Daniel Hagari ayaa xalay sheegay in weerarada kaga imanaya dhanka koonfurta Lubnaan ay keeni karto sida uu yiri xiisad halis ah.

“Gardarrada sii kordheysa ee ka imaneysa Xisbullah waxay abuuri kartaa fidno ballaaran, mid cawaaqib xun ku yeesha Lubnaan iyo gobolka oo dhan.” Ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Israel oo warkan ku sheegay muuqaal uu soo duubay.

Afhayeenka ayaa ku waramaya in Xisbullah ay kordhisay weeraradeeda Israel, tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay Marinka Gaza.

Waxa kaloo uu sheegay in Xisbullah ay halis gelinayso mustaqbalka Lubnaan, si ay gaashaan ugu noqoto buu yiri Xamaas.

Daniel Hagari ayaa ku hanjabay in Israel aysan wax gorgortan ah ka geli doonin in guryahooda ay dib ugu laabtaan dadkii Israeliyiinta ahaa ee ku soo barakacay weerarada ay Xisbullah ka waddo sida uu sheegay waqooyiga Israel.

“Israel waxay qaadi doontaa tallaabooyinka lagama maarmaanka ah, si ay u ilaaliso badqabka shacabkeeda, illaa iyo inta laga soo celinayo ammaanka xadka aan la wadaagno Lubnaan.” Ayuu yiri Hagari.

Saraakiisha Xisbullah ayaa ka digay in Israel ay weerar dhinaca dhulka ah ku qaaddo koonfurta Lubnaan, haddii kalena ay la kulmi doonto cawaaqib daran.

Kuxigeenka Hoggaamiyaha Xisbullah, Naim Qassem ayaa ku celiyay in duqaymaha ay ku hayaan waqooyiga Israel ay joojin doonaan oo keliya, marka ay Israel soo afjarto duulaankeeda Marinka Gaza.

Dhanka kale Mareykanka iyo Faransiiska ayaa wada dadaalo ay xal ugu raadinayaan xiisadda labada dhinac, si looga hortaggo in dagaalku uu ku fido gobolka.

La taliyaha Sare ee Aqalka Cad, Amos Hochstein ayaa maanta booqanaya Israel, si uu isugu dayo inuu hoos u dhigo xiisadda adag ee ka dhalatay kororka gantaalaha ee xuduudda.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegeysa in ninkan uu wada hadal la yeelan doono Madaxda Israel, iyadoo laga hortaggayo isku dhac ballaaran.

Warbaahinta ayaa Saraakiisha Mareykanka ka soo xiganeysa in dhammaadka dagaalka Gaza iyo sii deynta la haysteyaasha uu yahay xalka ugu wanaagsan ee lagaga gudbi karo xiisadda Israel kala dhaxeysa Xisbullah.

Kor u kaca weerarada xuduudda ayaa calaamad u ah, sida duulaanka Israel ee Gaza uu u carqaladeynayo deganaanshaha Bariga Dhexe.

Verified by MonsterInsights