Ciidanka Booliska - Wardeeq news

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa soo saaray awaamiir uu dadka reer Muqdisho ugu sheegayo in ay hubiyaan sugnaanta in gaadiidkooda ay diiwaan-gashan yihiin, isla-markaana ay taariko leeyihiin.

Awaamiirta ayaa lagu sheegay laga bilaabo maanta inaanan la ogoleyn in gaari aan taariko lahayn lagu dhex wato Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Taliska Booliska ayaa sheegay in tani ay ka qayb qaadan doonto xaqiijinta amniga Caasimadda Muqdisho, isla-markaan ay fududeyn doonto in si dhakhsi ah loo aqoonsado cidda iska leh sumadda gaariga.

Laamaha amniga ayaa dhawaan kordhiyay tirada ciidamada ka hawlgala kontoroolada iyo jid caddayaasha laga soo galo magaalada.

Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo kan Gobolka Banaadir ayaa bilowgii bishan kontoroolada laga soo galo magaalada ka hawlgeliyay Laanta Xayawaanka Afarta Adin (K9), oo ah qayb ka mid ah Ciidanka Miina Baarista Booliska.

Ciidankan oo wata eeyda wax urisa ayaa baaraya gaadiidka doonaya inay soo galaan Muqdisho, si looga hortaggo gaadiidka sida walxaha qarxa.

Dowladda Federaalka ayaa hadda diyaargarow ugu jirto xuska toddobaadka xorriyadda oo bilaabaneysa toddobaadka soo socdo.

Dowladda ayaa guddi gaar ah u xilsaartay maalmaha xorriyadda ee 26-ka June iyo 1-da Luulyo.

Verified by MonsterInsights