baasaboorka Soomaaliya - Wardeeq news

Kadib markii la aqbalay in Soomaaliya ay xubin ka noqoto dalalka ku midoobay Bulshada Bariga Afrika bishii Marso ee sanadkan, waxaa jiray shirar xiriir ah oo dhex-maray Soomaaliya iyo dalalka kale ee xubnaha ka’ah, kuwaas oo ku aaddanaa sidii Soomaaliya u dhammaystiri lahayd shuruudihii looga baahnaa.

Soomaaliya ayaana weli ku howlan dhameystirka waxyaabaha uga dhiman buuxinta shuruudaha iyada oo ay kamid tahay waxyaabaha la xiriira baasaboorka.

Baasaboorka Soomaaliga ah ayaa lagu wadaa in uu kamid noqdo waxyaabaha ugu muhiimsan ee laga shaqeynayo si uu u noqdo mid kamida basaboorrada dalalka Bariga Afrika.

Ilaa labaatan mas’uuliyiin Soomaali ah isla markaana uu horkacayo Dr. Cabdisalaan Cumar Hadliye, oo ah ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan bulshada Bariga Afrika ayaa ka qayb galay kulamo socon doona ilaa jimcaha kuwaas oo looga arrinsanayo sidii Soomaaliya ay u dhameystiri lahayd howlahan.

Waaxda socdaalka ee Soomaaliya ayaa haatan ku howlan habeynta iyo isku duba ridka baasaboorka Soomaaliga ah.

“Baasaboorka Soomaaliga sidiisa ayuu ahaan doonaa oo waxba lagama bedeli doono kaliya waxaa lagu qori doonaa astaan muujineysa in uu yahay baasaboor laga leyahay mid kamida dalalka Bulshada Bariga Afrika,” ayuu yiri Dr. Cabdisalaan Cumar Hadliye.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in laga shaqeeyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay tagaan dalalka Bariga Afrika iyaga oo aan u baahneyn wax dalku gal ah.

Mahad Cabdi oo ah la-taliye sare oo ka howlgala hay’adda socdaalka iyo jinsadaha Soomaaliya oo BBC-da uga warramay ayaa yiri, “Waxa aan hadda ku jirnaa shaqada howl gelinta baasaboorka Bulshada Bariga Afrika ee Soomaaliya hadda shirar ayaa noo socda waana rajeyneynaa in aan ku guuleysanno.”

Waxa uu sheegay in ay qaadan karto muddo sanad ilaa labo sano ah balse haatan uu si habsami leh u socda howlaha dar-dar gelinta ah.

“Ma jiro wax kabadal lagu sameynayo baasaboorka guud ee Soomaaliga ah, balse waxa aan ka bedeli doonnaa daboolka ama qolofka sare waxaa lagu qori doonaa magaca ‘Bulshada Bariga Afrika’ midabkana waa laga bedeli doonaa sida uu qorshuhu yahay laakiin beddel gudaha ah ma jiri doono,” ayuu sii raaciyay Mahad Cabdi.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in aysan waxba iska bedeli doonin baasaboorrada seerfiska ee shaqaalaha dowladda iyo kan kale ee dibloosiga ah balse kaliya qaybta sare laga bedeli doono kan caadiga ah ee dadweynaha.

Dr. Cabdisalaan Cumar Hadliye, oo ah ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan bulshada Bariga Afrika ayaa isna ka warbixiyay waxyaabaha kale ee Soomaaliya ay ku howlan tahay si ay shuruudaha u buuxiso.

“Waxyaabaha aan ka shaqeyneyno waxaa kamid ah sidii sistamyada la’isugu xiri lahaa guud ahaan dalalka bariga Afrika, iyo in laga shaqeeyo howlaha Kastamka, si ay suura gasho in deked walba wax lagalasoo degi karo,” ayuu yiri Hadliye oo BBC-da la hadlay.

Waxaa kale oo uu sheegay in qaababka qaadista lacagta laga shaqeynayo iyo aakhirka sidii loo sameyn lahaa lacag isku mid ah taas oo uu sheegay in ay qaadan karto muddo sanado ah.

Soomaaliya si ay uga mid noqoto Bulshada Bariga Afrika waxa ay soo dooran doontaa ilaa sagaal xubnood oo ku meteli doona golaha baarlamanka ee Bulshada Bariga Afrika iyada oo haatanba uu qorshuhu socdo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaana wuxuu ka dhawaajiyay in sida ugu dhakhsiyaha badan loosoo dooran doono xubnahan iyada oo lagu wado inta aan la gaarin Bisha siddeedaad ee sanadkan.

Kadib markii si rasmi ah loogu soo dhaweeyay Soomaaliya ururka Bariga Afrika ayaa waxaa tirada baarlamaanka Bariga Afrika ay noqon doontaa 82 xildhibaan.

Ilaa 72 ka mid ah xubnahani ayaa ah xildhibaanno la soo doortay, halka siddeed ay wasiirro yihiin, xoghayaha guud ee ururka iyo xubin ah la taliyahay dhanka sharciga.

Waxaa sidoo kale Soomaaliya laga filayaa in ay soo magacaabaan garsoore ka mid noqon doona xubnaha garsoorayaasha ee maxkamada caddaaladda Bulshada Bariga Afrika.

Isha: BBC

Verified by MonsterInsights