448758480 955395229960417 2393106488473627792 n - Wardeeq news

Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 9 eedeysane oo loo heysto falal isugu jira dil, dhaawac iyo dhac ay u geysteen dadweynaha ku nool caasimadda Muqdisho.

“Eedeysanayaashaan waxaan ku jira shabakado abaabulan, waxaa ku socota baaris, waxaana la horgeyn doonaa Maxkamadda awooda u leh,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Ragga lasoo bandhigay qaarkood waa odayaal, sidoo kale intooda badan waxay ku hubeysan yihiin tuutaha ciidamada dowladda iyo qoryo AK 47 ah.

Ragga qaar waxaa loo heystaa dilal, balse lama shaacin cidda ay dileen iyo sababta ay u dileen, si gaar ah ninka ugu weyn iyo kan ugu yar ayaa loo heystaa dilalka.

Sidoo kale ragga qaar waxaa lagu shaaciyey qoraalkaan inay ka tirsan yihiin ciidamada dowladda, gaar ahaan militeriga.

Sawirrada 9-kaan eedeysane oo magacyadooda iyo dunuubta loo heysto lagu soo dul qoray ayuu baahiyey booliska Soomaaliya oo gacanta ku haya ragaas.

Muddooyinkii dambe booliska Soomaaliya ayaa go’aansaday in la fadeexeeyo oo bulshada loo soo bandhigo qofkii qalad gala ee muteysta xarig, waxaana lagu sawiraa astaanta booliska isagoo maxbuus ah, waxaana bulshada lala wadaagaa dembiga loo heysto.

Hoos ka eeg sawirrada ragga lagu soo qabtay dhaca dadweynaha Muqdisho.

448684533 955395063293767 741024033441191060 n - Wardeeq news

448685318 955395156627091 2874350921681708630 n - Wardeeq news

448690648 955395089960431 4386533774908112420 n - Wardeeq news

448756947 955395253293748 8802903627907956836 n - Wardeeq news

448758480 955395229960417 2393106488473627792 n - Wardeeq news

448758611 955395266627080 8228118534608719264 n - Wardeeq news

448758768 955395183293755 3623322285325764304 n - Wardeeq news

448790590 955395143293759 4022956083545663114 n - Wardeeq news

448794596 955395086627098 1270595710647273621 n - Wardeeq news

Verified by MonsterInsights