Fowsiya Fowziya - Wardeeq news

Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan oo qoraal kooban ku daabacday barteeda Twitter-ka ayaa jawaab ka bixisay buuq ka dhashay hadal ay dhowaan jeedisay, xilli ay ka hadleysay damaceeda ku aadan kursiga Midowgaa Afrika.

Fowziya ayaa xilligaas ka dhawaajisay hadal aysan siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin badan ku dhiiran, kaas oo ku saabsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Xildhibaanadda oo deegaan doorashadeedu tahay Gobollada Waqooyi, ayaa shaacisay in mas’uuliyiinta maamulka Somaliland aysan xaqiiqda ka hadlin marka ay ka hadlayaan Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo ifisay in mas’uuliyiinta Somaliland ay marin habaabiyaan shacabka oo xaqiiqda aysan ka hadlin marka soo hadal qaadayaan Soomaaliya, iyadoo kafishtay in xiriir wada shaqeyn ay ka dhaxeyso wasaaraddaha Somaliia iyo Somaliland oo ay iska war qabaan.

Mar kale oo ay soo jawaabtay ayaa sharraxaad ka bixisay ujeedkeeda iyo damaca kaga jiro kursiga ay u sharraxan tahay ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in dadka qaar ay ku eedeeyeen inay la safaneyso Somaliland, kuwa kale ay sheegeen inay u shaqeyneyso Soomaaliya, taas oo ay ku tilmaamtay inayba meesha oolin, shaqada xilkan aysan queseyn go’aamo noocaas oo kale ah.

“Waxan Ummadda Somaliyeed Meel ay joogaanba uga mahad naqayaa sida weyn ee ay ii garab istaageen. Qadiyadani waa qadiyad Somaliyeed iyo magaca Iyo maamuus. Nasiib darro dad aan badnayn ayaan fahmin qadiyaddan, kuwaas oo qaarna igu eedaynayaan Somaliland ayay goynaysaa, qaar kalena leeyihiin Somalia ayay u shaqaynaysaa Somaliland ayay ka horjeeddaa” ayay ku tiri warsaxaafadeedka ay soo saartay.

Xildhibaan Fawziya ayaa sidoo kale intaasi ku dartay in Midowga Afrika uu ka shaqeeya kaliya mideynta dalalka qaaradda Afrika iyo horumarinteeda.

“Waxaa ogaataan kursigaasi ma aha mid go’aanada noocaasi u yaallaan . Wuxuu ku shaqeeyaa amar kasoo baxa Shirka Madaxweynayaasha. Midda kale qodobada tartankuba waa midaynta Afrika oo dhan iyo horumarinteeda. Somali magaceeda iyo jiritaankeeda ayaan isu taagay” ayay mar kale tiri Xildhibaan Fawziya Yuusuf Xaaji Aadan.

Haweeneydan oo horay usoo noqotay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa haatan la kulantay cadaadis uga yimid madaxda sare ee dalka, kaas oo ku aadan inay ka tanaasusho kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika.

Ugu dambeyn Fowziya ayaa iska diiday inay ka tanaasusho kursigaasi, iyada oo sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ay si cad ugu yiraahdeen “iskaaga har tartanka, una tanaasul musharraxa Jabuuti ay wadato”.

Verified by MonsterInsights