danab - Wardeeq news

Guud ahaan Soomaaliya walaac badan ayaa ka jiray bixitaanka ciidanka ATMIS labadii sano ee u dambeysa.

Dowladdaha deriska la’ah Soomaaliya waxay muujiyeen cabsi ku saabsan waxa dhici doona haddii ATMIS baxdo iyada oo ciidanka Soomaaliya ku filnaanin amniga guud ee dalka, balse xalay akhbaar kale ayaa ka timid dhanka Midowga Afrika.

Dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo waxay waqti gelisay dhismaha ciidanka dowladda waxayna kadib dalbatay inay ciidanka Midowga Afrika ka baxaan dalka, iyaga oo qabay kalsooni ah in ciidanka dowladda ku filnaanayaan amniga guud ee dalka.

Laakiin dhibaataddii nidaamkii hore ee Farmaajo waxay aheyd in aanay si dhab ah ula diririn kooxaha argagixisada. Dagaaladdii la qaaday labadii sano ee u dambeysay ee tallada uu joogay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa laga gartay miisaanka ciidanka dowladda iyo in weli loo sii baahan yahay gacan ciidan oo Midowga Afrika ka timaada, waxaana ay dowladda dalbatay ciidan kale oo lagu beddelo kuwa hadda jooga ee baxaya.

Golaha Ammaanka iyo nabada ee Midowga Afrika ayaa shalay ku dhowaaqay inuu aqbalay codsiga Soomaaliya ee ah in ciidan kale iyo howl-gal kale oo Midowga Afrika ah laga hirgeliyo Soomaaliya.

Goluhu ma sheegin cadadka ciidanka cusub iyo magaca howl-galka, laakiin wuxuu sheegay in howl-galkan cusub ee bilaaban doona Janaayo 2025 inuu kaabi doono ciidanka dowladda Soomaaliya, gaar ahaan inuu ka qeyb qaadan doono xaqiijinta amniga guud ee dalka iyo in laga adkaado argagixisada.

Arrintaan waxay hoos u dhigaysaa walaacii laga qabay sida uu noqon doono xaalka amni ee Soomaaliya haddii ay ka wada baxaan ciidanka Midowga Afrika. Waxay kale oo tani ka dhigan tahay in Soomaaliya ay markii saddexaad aqbashay howl-gal ka socdo Midowga Afrika.

Horey AMISOM, haatan ATMIS, wixii ka dambeeya December 2024 howl-gal saddexaad ayaa bilaaban doona.

Ciidanka hadda jooga Soomaaliya ee ka socda Midowga Afrika ayaa waxa uu howl-galkooda ku eegyahay bisha December ee sanadkaan. Sanadkii 2007 ayay ciidanka Midowga Afrika tageen Soomaaliya.

17 sano oo taageero ciidan ah, wuxuu howl-galkan saddexaad ka dhigan yahay in ciidanka Soomaaliya aanay weli ku filnaanin ammaanka dalkood. Dhawaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay sheegtay in ciidanka Itoobiya aanay qeyb ka noqon doonin howl-galka saddexaad ee Midowga Afrika, laakiin arrintaasi sooma hadal qaadin golaha amniga iyo nabadda ee Midowga Afrika.

Go’aankan wuxuu kusoo aadaya, iyada oo dhawaan uu madaxweynaha waddanka Kenya William Ruto sheegay in haddii ay ciidanka Midowga Afrika ka wada baxaan Soomaaliya inay argagixisada dalka wada qabsan karto.

Verified by MonsterInsights