Heshiis Somalia AU - Wardeeq news

Midowga Afrika ayaa ansixiyay codsiga dowladda ee ku saabsan howlgal cusub iyo ciidamo lagu bedelayo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS oo xilligoodu dhammaanayo aakhirka sanadkan.

War-murtiyeed kasoo baxay shirkii Nabdda iyo Amniga Midowga Afrika ayaa lagu taageeray dalabkii dowladda Soomaaliya ku doonaysay howlgalka ciidamada ATMIS lagu bedelo ciidamo cusub oo dawladda ka taageeraya dhammeystirka dagaalka Alshabaab.

Golaha Amaanka iyo Nabadgaliyada Midowga Afrika waxay kaloo aqbaleen in la kala qeybiyo wejiga saddexaad ee bixitaanka ciidamada ATMIS oo qoshuhu ahaa 4 kun askari Soomaaliya laga saaro bishan June, balse loo qeybiyay 2000 askari oo dhammaadka June baxaysa iyo 2000 dhammaadka September la saarayo.

Midowga Afrika ayaa ku bogaadiyay dowladda Soomaaliya horumarrada ay ka gaartay qorshayaasha amniga, joogteynta shirarka Golaha Wada-tashiga Qaran, la-dagaalanka argagaxisada iyo weliba u-diyaar-garowga la-wareegista amniga dalka kadib ciidamada ATMIS.

Verified by MonsterInsights