taliyaha 823x450 1 - Wardeeq news

Taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xuska 26-ka June oo caawa ku beegan, waxaana jirta munaasabad wayn oo loogu dabaal-dagayo xuska maalintan qaran.

Booliska ayaa soo saaray amar culus oo ku aadan inta lagu guda jiro dabaal-dagga maalmaha xorriyadda dalkeena oo caawa bilaabanayo.

Taliska booliska ayaa faray dhammaan ciidamada qalabka sida in wax rasaas ah aysan ridi karin inta lagu jiro dabaal-degga 26-ka June iyo kowda Luulyo.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay “in kaliya dabaal-degga la ogol yahay in la adeegsado Bululeer”, kaas oo aan wax saameyn dhalineyn, looguna tala-galay dabaal-degga.

“Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed wuxuu ku wargalinayaa in dhamaan ciidanka qalabka sida iyo bulshada Soomaliyeed goob kasta oo ay joogaan inta lagu guda jiro dabaal-dega 26 Jun iyo 1 Luulyo, marka la gaaro  saacada calan saarka aan wax rasaas ah la ridi karin  marka laga reebo Bululeerka ay loogu tala-galay dabaaldegga” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska.

Horay xabado loo riday dabaal-deg darteed ayaa dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waana sababta keentay inuu mamnuuco booliska in la rido wax rasaas ah.

“Maadaama ay horey uga dhasheen dhaawacyo soo gaarey qaar kamid ah bulshada Soomaaliyeed waa mamnuuc” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Dhammaan Laamaha amniga waxaa la farayaa inay u hogaansamaan amarkaan, ayna talaabo ka qaadaan cidii Ku xad gudubta Mahadsanidiin”.

Verified by MonsterInsights