01000000 0aff 0242 5ce1 08db4fbf380d w1200 r1 - Wardeeq news

Muuse Biixi Cabdi ayaa mar kale ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan heshiiska badda ee uu maamulkiisa la galay dowladda Itoobiya, kadib khudbad uu ka jeediyay munaasabad ka dhacday Hargeysa oo loogu dabaal-dagayay 26-ka June oo ah marka ay xoroobeen gobollada waqooyi

Muuse ayaa shaaciyay go’aankooda kama dambeysta ee ku aadan heshiiska badda oo muran badan dhaliyay, kadib markii ay ka caroortay dowladda Soomaaliya, wuxuuna ku adkeystay inay dhaqan-gelin doonaan, isla markaana u beddali doonaan heshiis rasmi ah.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Hargeysa iyo Addis Ababa ay ka go’an tahay in heshiiskaas uu hirgelo, isla markaana ay mar kastaa diyaar u yihiin sidii loo fulin lahaa.

“Somaliland iyo Itoobiya waxaa ka go’an in Agree-ga la saxiixo kadibna MoU-ga loo beddalo xeer oo uu dhaqan-galo” ayuu khudbadiisa yiri madaxweynaha maamulka Somaliland.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Aroorta haddii ay qolada kale diyaar tahay annaga diyaar ayaa nahay waa dal ballaaran mana jiro wax ka noqosho ah”.

Dhinaca kale madaxweyne Biixi ayaa soo qaaday arrinta ictiraafka oo Somaliland ku qasbay inay badda ku wareejiyo Itoobiya, waxayna uga beddalay heshiiska ay wada gaareen.

Biixi ayaa sheegay in Somaliland iyo dadkeeda ay haystaan fursad muhuum ah oo lagu aqoonsan karo, wuxuuna ku faanay in dalal badan ay daneynayaan Somaliland.

“Ictiraafku waxaa weeyey in adigu dadk ku qiimeeyo oo uu ku baahdo, ilaaheyna intaas waa na siiyay dalka meel aynu wada ognahay oo maanta adduunka nin weliba Juquraafi ahaan baahan yahay weeye” ayuu mar kale ku yiri khudbadiisa madaxweyne Muuse Biixi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli Soomaaliya ay diidan tahay heshiiska Abiy uu la galay Biixi, kaas oo dhaliyay inay qaraxdo xiisad u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Verified by MonsterInsights