Ciidamada Israel 4 - Wardeeq news

Dagaalo culus oo duqaymo ay barbar socdaan ayaa weli ka soconaya Marinka Gaza, gaar ahaan deegaanka Rafah ee cirifka koonfureed ee Marinka Gaza.

Rafah ayaa muddooyinkii ugu dambeysay noqotay furinta ugu weyn ee dagaalka Gaza ku dhex maraya Ciidamada Israel iyo Xoogaga Xamaas, oo garabsanaya kooxaha kale ee wax iska caabinta Falastiiniyiinta.

Ciidamada Israel oo taageero ka helaya diyaaradahooda dagaalka ayaa maalmahaanba isku dayayay in ay galaan xaafadda galbeedka Rafah ku taala ee Tel Al-Sultan, balse ay taasi ka hortaagan tahay iska caabinta xoogan ee ay sameynayaan kooxaha wax iska caabinta.

Wararka ayaa sheegaya in Xoogaga Xamaas iyo Islamic Jihaad ay taangiyada Ciidamada Israel ku burburinayaan gantaalaha garabka laga tuuro, iyadoona Ciidamada Israel ay u muuqdaan kuwo aan dhaqaaqi karin taangiyadooda la’aantood.

Dadka fara ku tiriska ah ee ku haray xaafaddaasi ayaa soo sheegaya in mar kasta oo Ciidamada Israel ay isku dayaan inay xoog ku soo galaan xaafadda ay la kulmayaan iska caabin aad u xoog badan.

Sidoo kale muuqaalada goobta laga helayo ayaa muujinaya xoogaga ku hubeysan qoryaha liishaanka leh oo meelo fogfog ka soo tooganaya Ciidamada Israel ee daba socdo taangiyada ay iska soo hormariyeen.

Ciidanka Cirka Israel ayaa garaacaya xaafadda Tel Al-Sultan iyo qaybaha kale ee Marinka Gaza, si ay culeyska uga yareeyaan ciidamadooda, balse taasi waxaa la leeyahay kuma filna guutooyinkooda ku sugan dhulka.

Taasi waxaad ka garan kartaa in kooxaha wax iska caabinta ay xitaa kala jareen gurmadkii Ciidamada Israel ee bariga, bartamaha illaa aagga galbeed ee Rafah.

Taliska Militariga Israel oo adeegsanaya diyaaradahooda xamuulka ayaa mararka qaarkood dhinaca hawada saadka uga soo daadinaya ciidamada, gaar ahaan ahaan kuwooda ay adag tahay in dhinaca dhulka lagu gaarsiiyo saadka iyo sahayda ay u baahan yihiin.

Dhanka kale tirada dadka rayidka ah ee illaa iyo hadda lagu dilay Marinka Gaza ayaa gaartay 37,718 qof, iyadoo dhaawacuna uu sii caga-cageynayo 86,377 kale.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa Arbacadii sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay Ciidamada Israel dileen 60 qof, 140 kalena ay dhaawaceen.

Madaxda Israel ayaa waxaa muuqata inay diidan yihiin hindisihii Madaxweyne Joe Biden ee xabad joojinta colaadda Gaza.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo cadaadis uu ka haysto xisbiga midigta fog ee shuraakada kula ah xukuumaddiisa ayaa riixaya in dagaalka la sii wado.

Tani ayaa xadgudub ku ah qaraarkii uu bishan meelmariyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee lagu dalbanayay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka uu dhiigga badani ku daadanayo.

Nagala soo xiriir: info@wardeeqnews.com

Verified by MonsterInsights