Madaxweyne Erdogan - Wardeeq news

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii sheegay in Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu uu qorsheynayo in colaadda Marinka Gaza uu ku ballaariyo gobolka oo dhan.

Raysal Wasaaraha Israel ayaa habeenkii Axadda sheegay in uu filayo in dhawaan la soo geba-gabeeyo hawlgalka dhinaca dhulka ee ay ciidamadiisu ka wadaan deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, si ciidamadu ay isugu diyaariyaan xiisadda ka taagan xadka ay la wadaagaan Lubnaan.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in indhaha Israel ay hadda ku sii jeedaan dalka Lubnaan, iyadoo taageero ka heleyso dalalka reer galbeedka.

“Israel waxay hadda indhaha ku haysaa Lubnaan, waxaana aragnaa in quwadaha reer galbeedka ay daaha gadaashiisa ka taageerayaan Israel.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo la hadlayay xubno ka tirsan Xildhibaanada Xisbigiisa AK.

Madaxweyne Erdogan ayaa dhalleeceeyay isku dayga ay Israel ku ballaarineyso colaadda, waxaana uu ka digay in Ciidamada Israel ay hawlgal ka bilaabaan xuduudda Israel iyo Lubnaan.

“Qorshaha Raysal Wasaaraha Israel ee ah in colaadda lagu baahiyo gobolkeenna iyo fekradda ay reer galbeedka taageersan yihiin waxay noqon doontaa masiibo weyn.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waa wax laga xumaado in laga hadlo inta xorriyadda, xuquuqda aadanaha iyo caddaaladda ay maxaabiis u yihiin qof dhimirka ka xanuunsan, sida Netanyahu.”

Dhanka kale Madaxweynaha Turkiga ayaa ballanqaaday in dalkiisu uu garab istaagi doono Lubnaan, xilligan adag.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dalalka Bariga Dhexe ugu baaqay inay la saftaan, oo ay garab istaaggaan dalka Lubnaan.

Hadalka Madaxweyne Erdogan ayaa imanaya maalmo yar uun ka dib, markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan uu Qubrus iyo Giriiga uga digay inay ku lug yeeshaan colaadda Bariga Dhexe ee socota.

Xiisad aad u sii kordheyso oo u dhaxeyso Xisbullah iyo Israel ayaa ka jirta xuduudda labada dal, waxayna dad badani ka cabsi qabaan in uu dhex maro dagaal buuxa.

Ka dib weerarkii 7-dii October, Ciidamada Israel iyo Xoogaga Xisbullah ayaa tan iyo 8-dii bishaasi gantaalo isku weydaarsanayay deegaanada xadka, waxaana ku barakacay shacab fara-badan oo labada dhinac ah.

Hoggaanka Xisbullah ayaa wacad ku maray inaysan joojin doonin gantaalaha ay ku garaacayaan deegaanada xadka ee qaybta Israel, illaa iyo inta uu dagaalku ka socdo Marinka Gaza.

Labada dhinac ayaa looga digayaa cawaaqibka uu yeelan karo, haddii dagaal toos ah uu dhex maro.

Verified by MonsterInsights