Cali Balcad scaled 1 - Wardeeq news

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Bare ayaa Wasiiru -dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) u magacaabay xil cusub.

Cali Balcad ayaa loo magacaabay u qeybsanaha Arrimaha xiriirka Bulshada Bariga Afrika oo Soomaaliya si rasmi ah ay ugu biirtay dabayaaqada sanaddkii dhammaaday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dikreetada uu ku magacaabay Cali Balcad ku sheegay in xilka loo magacaabay wasiiru dowlaha uu muhiim u yahay Soomaaliya.

Sidoo kale, Xamza ayaa warqadda magacaabidda ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kala tashaday.

Dikreetadaan laguma cadeyn in Cali Balcad uu sii ahaan doono wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda iyo in xilkaas laga qaaday toona.

Wasiir Cali Balcad ayaa muddo kusime ka ahaa wasaaradda arrimaha dibadda intii aan loo magacaabin wasiir Axmed Macalin Fiqi, hada warar soo baxaya waxay sheegayaan inay isku dhaceen Fiqi.

Sidoo kale Cali Balcad wuxuu saaxiib dhow la yahay madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud, sidoo kale Cali Balcad ayaa awood badan ku lahaa wasaaradda markii uu joogay Wasiirkii hore Abshir Haruuse.

02ce646d 95a3 41f6 8115 4e87006f0414 - Wardeeq news

Verified by MonsterInsights