Ahmed Fiqi - Wardeeq news

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ayaan darro weyn ku tilmaamay in Hargeysa looga heeso qowmiyad kamid ah Itoobiya, xilli ay dadka Soomaaliyeed u dabaal-degayaan maalmaha xoriyadda.

Fiqi ayaa sidoo kale xaalad aan la fileyn ku sheegay waxa 26-kii June ka dhacay Hargeysa, halkaas oo looga heesay in aysan Somaliland laheyn cadow uga daran Xamar, taas oo luuqdeedu u dhigneyd “Ma lihi cadow iiga daran Xamar, Garoowe iyo kuwa xintama, waxaa iga xiga Amxaar xurmo iyo sharaf igula nool”.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa muujiyay in uu aad uga xun yahay in dhallinyarada Soomaaliyeed lagu marin habaabiyay hees ka hadleysa damaca qowmiyad kamid ah kuwa dega dalka Itoobiya, oo xilligaan ay xiisad xooggan kala dhaxeyso Soomaaliya.

“Dadka Soomaaliyeed hees la sameeyay iyo kalimaad lagu raali-gelinayo dal kale oo damac leh laguma sandulleyn karo dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri wasiirka Axmed Macalin Fiqi.

Sidoo kale waxa uu xusay waxa ka dhalan kara arrimahaasi, isagoo dhinaca kale dadka Somaliland ku ammaanay diidmada ay ka muujiyeen damaca Itoobiya iyo falalka ay caadeysteen kuwa haya hoggaanka halkaasi, oo uu kala jeedo Muuse Biixi iyo hoggaankiisa.

Hargeysa iyo Muqdisho ayaa sii kala fogaaday heshiiska Itoobiya ee badda kadib, kaasi oo Muqdisho si adag uga hortimid, midaasi oo sii fogeysay Somaliland, heer ay maanta mareyso in Hargeysa laga qaado hees noocaas ah, iyada oo lagu jiro dabaal-dega maalmaha xorriyada.

Somaliland oo u muuqata mid indhaha iyo caqliga uu tiray qaddiyada gooni-goosadka, ayna ka qaalib noqotay caadifaddu ayaa xilligaan wada dadaalo ay Itoobiya uga xod-xodaneyso inay ku dhawaaqdo “aqoonsi” si is-afgaradkii Janaayo loogu rogo heshiis rasmi ah.

Itoobiya oo laftigeedu danaheeda raacaneysa ayaa la filan karaa inay aqoonsi uga dhawaaqdo Somaliland, waaba haddii Abiy uu ku dhiiran karo inuu Itoobiya u horseedo dagaal diblumaasiyadeed caalami ah, maadaama ay horey Soomaaliya ugu taageereen mowqifkeeda ay ku ilaalineyso midnimadeeda dalalka ugu waaweyn caalamka, oo ugu horreeyo Mareykanka.

Soomaali badan ayay fajaciso ku noqotay iyo af kala qaad in Somaliland ay hoosta soo gashato Itoobiyaan la ogyahay waxa kala raacay Soomaaliya iyo inuu yahay cadow aan dhicin oo Soomaali leedahay, sida ay muujinayaan taariikhi hore.

Verified by MonsterInsights