Xasan - Wardeeq news

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dhisay sanduuqa qaran ee cimilada.

Madaxweynaha oo ka duulaya dib u habaynta iyo horumarinta qorshaha qaran ee isbeddelka cimilada ayaa xeer madaxweyne LR.235, ku dhisay sanduuqa saran ee cimilada.

Xasan ayaa u magacaabay Mudane Liibaan Daahir Obsiiye in uu noqdo agaasimaha fulinta ee sanduuqa qaran ee cimilada.

Liibaan ayaa khibrad durugsan u leh siyaasadda maaliyadda, sida lagu sheegay wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha oo lagu baahiyay bogga Villa Somalia.

Sanduuqa Qaran ee wax ka qabashada isbeddelka cimilada ayaa ka kooban labo heer oo kala ah;

Heerka Guddiga Maamulka Sare

Heerka Fulinta

Qaab dhismeedkan ayaa la jaan-qaadaya hannaanka daah-furnaanta, sida lagu yiri wareegtada madaxweynaha ee daabacday Villa Somalia.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale caddeeyay in xilligaan ay dowladda dadaal badan ku bixinayso ka hortagga, la qabsiga iyo xakamaynta isbeddelka cimilada, maadaama ay saameyn toos ah ku leedahay duruufaha nololeed ee dalkeenna iyo musiibooyinka soo noq-noqday ee abaaraha iyo fatahaadaha.

Verified by MonsterInsights