wadooyin 7 - Wardeeq news

Dowladda Soomaaliya ayaa Maanta hab aan horey loo arag u xuseysa 1da Luulyo oo ah markii Gobolada Koonfureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga lana midoobeen Gobolada Waqooyi ee loo yaqaano Somaliland.

Ciidamo wata Gaadiidka Gaashaaman oo isugu jira kuwa Madaxtooyada ee Koofi Casta iyo Nabadsugida ayaa xiray dhammaan waddooyinka soo gala fagaaraga Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere.

Gaadiidka noocyadiisa kala duwan iyo dadka lugeynaya ayaa xataa loo diiday inay maraan waaddooyinka gala Taalada Daljirka Daahsoon, waxaana Arrintaan ay kusoo aadeeysaa xilli Maanta ku beegan tahay markii Gobolada Koonfureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga.

Dowladda Soomaaliya ayaa sirasmi ah Bulshada ugu faah faahin sababaha dadka loogu diiday inay tagaan Taalada Daljirka Daahsoon, halkaas oo munaasadaha noocaan oo kale ah ay dadku ku dabaal-degi jireen,  balse waxaa la sheegay in uu tegi doono Madaxweynaha Soomaaliya.

Wardeeqnews.com

Verified by MonsterInsights