galmudug iyo puntland 1 - Wardeeq news

Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa si kulul waxaa ay uga hadleen dagaal beeleedyada kasoo cusboonaday degaano kuyaalla Bariga Gobolka Mudug, kuwaas oo u dhaxeeysa laba maleeshiyo Beeleed.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa sheegay in dagaal Beeleedyada ka dhacaya dalka aysan gaar u aheyn Galmudug kaliya balse ay kajiraan meelo badan oo dalka ah.

Wuxuu sheegay in colaad beeleedyada ay hurinayaan Al-Shabaab iyo siyaasiyiin dano gaar ah la leh dagaalada, wuxuuna ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo Colaad Beeleedyada.

Dhinaca kale Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Ilyaas Osmaan Lugatoor ayaa dhankiisa ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedyada kajira degaannada katirsan Galmudug.

Wuxuu sheegay in colaad beeleedyada ay ku baxeen mas’uuliyiin ka kala tirsan Maamulada Galmudug iyo Puntland ayna diyaar u yihiin inay xaliyaan, sidoo kalena tallaabo laga qaadi doono dadka hurinaya.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa dalka ka dhacay Colaad beeleedyo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kuwaas oo qaarkood la xaliyay halka kuwo kale ay weli taagan yihiin.

Verified by MonsterInsights