Khan, Yunus oo laga qaxayo

0
197

Milatariga Isra’il ayaa xalay ku amray dadka Falastiiniyiinta ah ee ku nool degmada Khan Yunis ee bartamaha Marinka Gaza, in ay isaga baxaan, tallaabadaasi oo u muuqata mid direysa in Isra’il ay mar kale weerari doono magaalada labaad ee ugu weyn Gaza.

Amarkan ayaa muujinaya in Khan Yunus ay noqoneyso bartilmaameedka ugu danbeeya ee dagaalka ay Isra’il ka waddo Gaza tan iyo horraanii October ee sannadki hore.

Ciidanka Isra’il ayaa horay u burburriyay inta badan Khan Yunus, hase yeeshee shacabka ayaa dhawaan dib ugu soo laabtay, kaddib weerarki ay Isra’il ku qaadday magaalada kale ee Rafax.

Dadka lagu amray in ay ka baxaan Khan Yunus ayaa sheegay, in farriin qoraaleedyo ay ciidanka Isra’il ugu soo direen telefoonnadoodu loogu sheegay, in ay aadaan degmada Muwasi ee dhinaca xeebta badda Meditareeniyaanka, halkaas oo ay horay ugu barakaceen boqollaal kun oo ruux.

Dhanka kale, kooxaha Islamic Jihad iyo Xamaas ee ka dagaallama Gaza ayaa sheegay in ay Isniintii shalay gantaallo ku weerareen deegaanada ku yaalla koofurta Israil ee xadka Gaza.

Millatariga Isra’il ayaa sheegay in ilaa 20 gantaal oo lagaga soo tuuray dhanka Gaza aysan cidna wax ku noqon, hase yeeshee weerarkaasi ayaa muujiyay in wali ay kooxaha Falastiiniyiinta ee Gaza ay leeyihiin awood, kaddib muddo 9 bilood ah oo ay dagaal kula jiraan ciidamada Israil.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here