Howlgalka - Wardeeq news

Howlgal wadajir ah oo ay sameeyeen Ciidamada Kumaandooska DANAB, Ciidamada Daraawiishta iyo Booliska Koonfur Galbeed iyo  laamaha Ammaanka degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha ayaa lagu qabtay 4 Ruux oo lagu eedeeyay inay katirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa laga sameeyay degaanka Warmaxan oo kamid ah degaanada hoos-yimaada Wanlaweyn iyo degaanka Gurdaan, waxaana Afarta Ruux sigaar ah loogu qabtay degaanka Warmaxan oo qiyaasitii 30Km u jirta degmada Walanweyn, waxaana 4 ruux mid kamid ah ay tahay haweeney.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay oo uu kamid ahaa Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka uu yimid kadib markii ay xog heleen.

Howlgalkan wadajirka ah ayaa waxa hogaaminaayey Taliyaha Ciidanka Daraawishta Cali Juu, Taliyaha booliska Cabadda Isxaaq , Taliyaha ururka 64aa ee Guuta 7aad 12 Aprill Cali Cabdullaahi Halac iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka fadhigoodu yahay Ballidoogle ee DANAB.

Verified by MonsterInsights