ciidanka xoogga dalka ciidamada militeriga Soomaaliya.jpg dagaal dhashiike - Wardeeq news

Howlgal ay fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa  lagu dilay in ka badan 10 Xubnood oo ka tirsanaa Alshabab iyadoo tiro intaas ka badan lagu dhaawacay howlgalka, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya  Sheekh Abuukar Maxamed Xasan oo ku sugan furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Nuur-Gare oo u dhow deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana gobolkaas ka socda howlgallo ka dhan ah Alshabaab ku sugan deegaanada fog-fog ee Sh/Hoose.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa maalin ka hor  gacanta ku dhigay xubno lagu Eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Alshabaab oo la sheegay in ay Jidka u galeen ku dhowaad 20 Gaadiid ah oo madax-furasho u heysteen iyo sidoo kale waxaa jira Xubno kale lagu qabtay howlgalka ka socda Sh/Hoose, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Ciidamada dawlada ayaa gobolka shabeelada Hoose ka bilaabay dar dar grlinta Hawgallo ka dhan ah Alshabaab .

Verified by MonsterInsights