Abiy Ahmed AU - Wardeeq news

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa mar kale ku celiyay inay Itoobiya ka go’an tahay sidii ay u heli lahayd qeulyb ka mida Badda Cas.

Isagoo hadal ka jeediyay xarunta Baarlamaanka dalkiisa ayuu Abiya Ahmed si cad u sheegay damaca Itoobiya ee ah in ay hesho marin badeed.

Abiy Ahmed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoof badan ku bixisay joojinta isfahamkii Somaliland iyo Itoobiya balse ugu dambeyn laga maarmi waayay in madaxda Itoobiya ay wadahadal la yeeshaan Soomaaliya

“Dowladda Soomaaliya haddii ay walaac naga qabto waxaa ku filnayd hal duullimaad iyo hal kulan, laakiin waxay dooratay in ay meelo badan naga dacwayso” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya oo eedeeyay diidmada dowladda Soomaaliya kala hortimid damaciisa.

Wuxuu kaloo sheegay in ay waqti dheer Itoobiya galisay sidii ay marin biyood ku heli lahayd, wuxuuna ku celiyey in ay qasab tahay in dalkiisa uu helo marin biyood ku yaalla Badda Cas.

Somaliland ayuu sheegay in ay noqotay cida u horeysa ee kasoo jawaabtay dalabkooda, sidaasina ay ula galeen Is Afgaradkii u dambeeyey ee sababay khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ra’iisul wasaare Abiy ayaa sheegay in dalkiisa ay ka go’an tahay helida Badda, isagoo tilmaamay in ay jid kasta u marayaan, horey ayuu tilmaamay in ay abaal badan ugu leeyihiin dowladda Soomaaliya, gaar ahaana wuxuu sheegay in ay dhiigga kumanaan ka mida askartooda ay u hureen.

Verified by MonsterInsights