images - Wardeeq news

Xogo hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in muddo shan maalin ah aysan wax shaqo ah ka socon xarunta degmada Waabari ee gobolka Banaadir, waxaana xaruntaasi ka maqan oo laga jartay korontadii socodsiinta shaqada muhiimka ah u aheyd degmada.

Sidoo kale, lama oga sababta ka dambeysa koronto la’aanta ka jirta xarunta degmada Waabari, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in lacago koronto xarunta lagu yeeshay sidaasina looga jartay korontada xarunta degmada.

Koronto la’aanta degmada ka jirta ayaa timid kaddib markii xarunta degmada la geeyay qalabka suul saarka ah ee lagula soconayo masuuliyiinta iyo shaqaalaha xarunta degmada in shaqada soo xaadiraan iyo in kale, lamana oga waxa isku soo aadiyay in korontada la jaro iyo suul saarka xarunta la geeyay.

Sikastaba, qara kamid ah xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir iyo xarumo wasaaradeed oo dowladda leedahay ayaa marar badan laga jartay korontadii ay ku shaqeenayeen, kaddib markii ay iska bixin waayeen lacago badan oo lagu yeeshay oo isticmaalka korontada ah.

Verified by MonsterInsights