Galgaduud - Wardeeq news

Dowladda Soomaaliya iyo  Al-Shabaab ayaa ka warbixiyay tirooyin iska soo horjeeda oo ku dhintay dagaal dhawaan ka dhacay gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Dhabaqle ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Sida ay sheegtay dowladda, dagaalka ayaa lagu dilay 50 ka tirsan  Al-Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab ayaa sheegtay in ugu yaraan 27-askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ay ku dileen, 38-kalena ay kaga dhaawacmeen dagaalkaas oo saacado socday ka dhacay deegaanka Waniile ee duleedka degmada Ceeldheer.

Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijinaya tirada khasaaraha ee labada dhinac soo sheegeen.

Verified by MonsterInsights