TOP COFFEE oo qarax ka dhacay 1920x1280 1 - Wardeeq news

Waxaa kordhay tirada dadka ku dhintay weerar baabuur ismiidaamin ah loo adeegsaday oo habeenkii Axadda lagu weeraray maqaayadda Top Coffee oo ku taalla aagga sida weyn loo ilaaliyo ee Daljirka ee u dhow xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia.

kooxda gurmadka deg dega iyo ilo booliska ayaa xaqiijiyay in 13 meyd ah ay qaadeen iyo dhaawac 21 ah.

Dadka dhintay waxay ahaayeen dhallinyaro daawaneysay ciyaarta kama dambeysta ee Koobka Euro2024 ee dhexmareysay England iyo Spain habeenkii Axadda.

Afar ka mid ah dadka dhintay waxay ahaayeen dumar.

“Waxaa jiray dad badan oo fadhiyay dibadda cafeteria oo halkaas ku caweynay. mar qura ayuu baabuurka qarxay baabuur toyota surf 4X4 ah,” ayuu yiri Cabdirisaaq Maxamed oo ka mid ahaa dad ku sugnaa goob u dhow Top Coffee.

Qaar ka mid ah dadka dhibaatadu soo gaartay ayaa ahaa shaqaale ka shaqeynayay Top Coffee.

Kooxda al shabaab ayaa sheegatay weerarka.

Waxaa cambaareeyay madaxweynihii hore ee Somalia Sharif Sheikh Ahmed oo ku tilmaamay mid wuxuushnimo ah.

“Weerarkan wuxuu muujinayaa cadaawadda kooxaha argagixisada ay u qabaan dhallinyaradeenna oo ah mustaqbalka dalka iyo ganacsatada maalgashiga ku sameystay dalka,” ayuu yiri madaxweyne Shariif.

Dowladda Soomaaliya ayaan si rasmi ah uga hadlin weerarkan.

Weerarkan ayaa ah kii labaad oo ka dhaca Muqdisho muddo 24 saac gudahood ah.

Sabtidii ayaa koox maxaabiis Al-Shabaab oo ku xirnaa Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ay fuliyeen weerar sababay dhimashada ugu yaraan 8 ruux oo saddex askar yihiin iyo shan maxaabiis iyo dhaawaca in ku dhow 20 kale.

Verified by MonsterInsights